Dastuurka Somalia Pdf
• g) Leh karti, xilgudasho iyo waayo aragnimo uu ku gudan karo waajibaadka Madaxtinimada. Halkaas waxaa ka cad in shuruudo waafi ah ay hor oolaayeen qofka madaxweyne ka noqonaya qaranka Soomaaliya sida: in uu Muslim yahay, dhimmirkiisu dhan yahay, maankiisu fayaw yahay, aan horey loogu xukumin dembi culus, dambi ka gelin qaranka, karti leh, xilgudasho, aan qabin ajnabi, uusan ahayn danayste, iwm. Haddaba aan mar kale is xasuusino waxa uu arrintaas ka yiri “Qabyo Qoraalka Dastuurka” cusub ee la doonayo in 2010 loogu sameeyo Jabuuti, qodobkiisa 95aad: Qodobka 95aad-Shuruudaha Madaxweynaha • Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka. Arrintaas (shuruudaha laga doonayo madaxweynaha) waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo xasuusiyo Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka in ay ku daraan waxa ka dhiman ama saxaan ama ka laabtaan qodobkaas. Sida ay u saxeen qodobkii ku saabsanaa diinta dalka, kaas oo hordhacii ay soo saareen bishii May 2010 ku qoreen ““, balse hadda (August 2010) ay qodobkaas bedeleen kana dhigeen “ Islam is the religion of the Somali Republic” sida ku cad qodobka 2aad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka cusub. Inkasta oo tarjumada Af-Soomaaligu ee qodobkaas ay u baahan tahay sixid waayo waxaa ku qoran “Islaamku waa Diinta Dawladda.” Halkii laga dhehi lahaa “Islaamku waa Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya” ama “Islaamku waa Diinta dalka.” Waa hadal macne ahaan asalka ku kala duwan ama sii kala xeel dheer. Waxaa xusid mudan in ay qodobkaas 2aad, farqaddiisa 2aad ee “Qabyo Qoraalka Dastuurka” uu adkeynayo diinta Islaamka, waxaana ku xusan “Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka,” taas oo ay guddiga “madaxa bannaan” hawshoodii ama xilkoodii gudanayeeen.
23 • Qodobka 60aad. Muddada xilhaynta.. 23 • Qodobka 61aad.
Bal u fiirso lama xadain diinta qofku haysto teeda kale somaliya waxaa ku dhex nool 1 milyan oo ethiopian iyo ajnabi kaleba ah xeerkaas waxa uu fasaxaya in si toos ah ethiopiankaas u noqdaan shacab soomaliyed. Xeerkas waxuu sidoo kale xusaya in lamanaha is qaba hadii qof ka mid ahi yahay somali caruurta ay dhalan ee noqonaya somali asal ah lasoco wali lama xadadin diinta ilmaha dhalanya. Sido kale 5 sano somali kunoqo waa fikrad shisheeye waxa la abuuraya shacab kirtishtan ah oo waqtiga dhow nakala qaybiya. 20 kii sano ee lasoo dhafay somalidu waxaa xeeryo loga ooday xuduudaha ay lawadaagto dalalka deriska ah maxy uu siin waayeen jinsiyadahooda sababtu waa caday waa dad muslim waxaad kadhex dareemi kartaa qabyo qoraalkan in ay qoreen qorbo joog ku dhex milmay dalalki ay qaxootiga ku ahaayeen lona soo miin guuriyay dastuurkii dalalka ay joogeen.
THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA Contents CHAPTER 1: DECLARATION OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA Article 1. The Federal Republic of Somalia. JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA. ﻝﺍــﻡﻭــﺹﻝﺍ ﺓـﻱﺭﻭـﻩـﻡـﺝ. Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka. DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND Dastuurka Daraafka Koowaad ee Qabyada ah Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Dawlad Goboleedka Puntland GDD 2007‐2008 i.
Isku geeyoo, markaad u fiirsato hadaladoodi ay kasoo jeediyeen Jabuuti ee Somalitalk soo baahisay, waxbadan ayaa kuu cadaanaya ee articles-kaas dib u raac. Markaana adiga ayaa go’aanka leh waxaad taageerayso iyo inaad si xaal dheer ufahanto Waayo Dastuurkaan looga boodboodayaa arimo gundhig ah, sida tilaamaha Madaxwaynaha, saldigga Shareecada iwm. Dadka Soomaliyeed ee wax qorqoraya dastuurkaan waxba ka sheegi maayo, waayo qof walba oo Soomaliyeed waxaan la doonayaa horumar iyo wanaag, laakin taas ii diidi mayso inaan ognahay Somalida dadka horkacaha waayahaan inay yihiin.
• Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka. • Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan. Dastuurka DFKMG ee 2003 lagu soo sameeyey Kenya, qodobkiisa 40aad: 1. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu buuxiyo shuruudaha soo socda: • a) Inuu/inay yahay/tahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. • b) Da’diisu ka yareyn afartan (40) sanno. • c) Inuu/inay yahay/tahay Muslim kuna dhaqma/dhaqanta waalidiintiisuna/waalidiinteeduna yihiin muwaadin Soomaaliyeed.
17 • Qodobka 48aad. Qaab-dhismeedka Dawladda.. 17 • Qodobka 49aad. Tirada iyo Xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo • Degmooyinka.... 18 • Qodobka 50aad.
Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 18 • Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka • Soomaaliya....
Cid inta aad eedayneysid isku noqo oo khalkhalka ka daa dadka xaq iftiiminaya, bal halagaa maqlo jawaab ilaa waxaad cuskatay lugo kuma taagnayn’e. Waxaan maalin dhoweyd akhriyey qoraal ka hadlaaye calamadaha doqonka,waxaa ka mid ahaaa in uu iska aqbalo wax u baahana fikir xeel dheer, marka Oday Cali, gabagabaddii: Horta Oday haddaad tahay, Da’du waa saldano eebe, oo waaya aragnimo iyo khibrad siyaado ah, laga kororsadaaye, Oday Caliyoow, Odaynimo ha ceebayn, •.
Aragti gaabnidaan ka digayaa, nin jeclaysigaan ka digayaa, Caliyoow sidaas garo. Oday cali waxaan filayaa in aad fahamtay. Balse haddii aadan fahmin aan kula faaleeyo hadalka aad cuskatay ee ah sidan: (1) Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa. (2) Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa. (3) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
Haddii aan is xasuusino waxyaabihii qodobkaas ay ka yiraahdeen dastuuradii hore waa kuwan: Dastuurkii (1960) qodobkiisa 1aad, farqadda 3aad waxa uu dhigayaa: • Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka. Dastuurkii (2000) qodobkiisa 2aad, farqadda 2aad waxa uu dhigayaa: • Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka Dastuurkii DFKMG (2003) Qodobka 8aad, waxa uu dhigayaa: • 1. Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya. Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda qaranka. Haddaba; Maadaama Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay astaanta qaranka iyo hoggaaminaya xushmadda qaranka, waxaa markaas muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ee Mulimka ah qofka Madaxweyne u noqonayo uu buuxiyo shuruudo ay ugu horayso: in uu Muslim yahay, iyo dabcan in dhimmirkiisu dhan yahay oo aanu dambi ka gelin qaranka, oo aanu ka qayb qaadan xasuuqii ka dhacay dalka 22-kii sano ee ugu dambeeyey, iwm.